Maanta waa maalin ku wayn quluubta ummadda Soomaaliyeed, waxa ayna ku beegan tahay sanad-guuradii 50-aad ee maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel kasta oo Soomaali joogtaba laga xuso.
1974-kii ayaa 21-ka Nofember loo asteeyay maalinta macallinka Soomaaliyeed, waxa ayna ahayd maalin si wayn ay u maamuusi jireen shacbiga iyo dowladaba, waxaana la samayn jiray munaasabado lagu waynaynayo xurmada macallinka iyo doorkiisa qiimaha badan.
Waxaa xusid mudan hal-doorkii kaalinta wayn ka soo qaatay horumarinta waxbarashada dalka waxaana ka mid ahaa:
1. Shiikh Yuusf Al-Kownayn, oo ahaa macaliinkii hingaadda xuruufta carabiga u rogay af Soomaali, arrintaas oo ardayda Soomaaliyeed ee Qur’aanka baranaysa u fududaysay qoraalka farta carabiga, ( أَ إِ أٌ ), ALIF LA KORDHABEY, ALIF LA HOOS DHABEY, ALIF LAA GODAY.
2. Macallin Jaamac Bilaal, oo ahaa aabihii bud-dhigaha u ahaa waxbarashada gobollada koonfureed, waxa uu dhexda u xirtay lana dagaallamay afkaarihii haraadiga ahaa ee bulshadu ka aaminsanaayeen waxbarashada, wuxuuna ka furay magaalada Muqdisho iskool yar oo arday kooban uu wax ku bari jiray.
3. Macallin Maxamuud Axmed Cali, wuxuu ahaa aasaasihii waxbarashada gobollada waqooyi, waxa uu dadaal u galay sidii bulshada gobollada waqooyi ay u heli lahaayeen wabarasho horumarsan, dadaalkiisii nafhurnimada ahaa waxaa ka hor-yimid gumaysigii Ingiriiska oo diidanaa in shacbiga ay waxbartaan, kaddibna ay fahmaan waxa ka maqan iyo qiimaha xorriyadda, sidoo kale macallin Maxamuud Axmed Cali waxa u suuro-gasahay inuu fikir ahaan kaga adkaado Soomaalidii aragtida qaldan ka aaminsanaa waxbarashada maadiga ah.
21-ka Nofember, waa maalin ka mid ah maalmaha ku xardhan quluubta dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixi jiray dugsiyada iyo dhammaan goobaha kale ee waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyihiin bulshada.
Mid ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in macallinka wanaagsan uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay maalin qadarin leh oo loo baahan yahay in si wayn loogu dabaal dago, si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.
Barayaasha Soomaaliyeed ayaa si dulqaad leh mudadii uu dalka burbursanaa u adkeystay ku shaqaynta xaaladihii adkaa ee la soo maray, mudadii dalka dowlad la’aanta ahaa, haddii macallinka Soomaaliyeed uusan naftiisa u huri lahayn waxbaridda ardayda, waxaa maanta mugdiga jahliga dhex muquuran lahaa arday badan oo waxbartay, kaalin hormuud ahna kaga jira horumarinta dalka.
Marka la eego dunida casriga ah, waxbarashada ayaa ah tan isku xirtay iskuna soo dhawaysay qaybaha kala duwan ee caalamka, waana taas midda uu u taagan yahay macalinka Soomaaliyeed. Macallinku waa barbaariyaha iyo hagaha ummadda waxa uu ka saaraa jahliga iyo mugdiga – aqoon-darrida.
Macalinku waa waalidka labaad ee ardayga wuxuuna ka waraabiyaa durdurka, aqoonta iyo ilayska Cilmiga, taasina waxaa ka garan kartaa abaalka Macallinka in aan la gudi Karin Xikmaddii macnaheedu ahaa (Qofkii hal xaraf i bara, waxaan u noqon lahaa adoon).
Tan iyo intii sooyaalka dunida jiray markasta macalimiin iyo dad aqoon leh ayaa bulshada kala dagaalami jiray jahliga iyo dib u dhaca, isla markaasna soo saari jiray dad umadooda anfaca.
Macallinku wuxuu maamuus, xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo kaadir aqoon leh iyo hogaamiyihii mustaqbalka iyo aayaha bulshadiisa, waa tusaale fiican, iftiin ku dayasho mudan, laguna tilmaami karo Tiir-dhexaadka bulshada.
Ugu dambeyn, Diinta islaamkuna waxay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin badan.
Waxaa Qoray: Abuukar Gobdoon