SAWIRRO: Guddoomiye Yabooh oo ka Qayb-galay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca JPLG oo lagu qabtay Muqdisho

0
226

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka qayb-galay kulanka guddiga sare ee mashruuca JPLG – ee uu furay wasiirka wasaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo dib u heshiisiinta XFS, Mudane Cali Xoosh, ayna kasoo qayb-galeen wasiiradda arrimaha gudaha Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Mashruuca JPLG oo muddo 15 sano ah ka shaqeynayay dalka ayaa waxa uu taageero xoog leh siiyay Dowladaha Hoose sida kobcinta awooda aqooneed ee shaqalaha heer gobol iyo heer degmo, dhismooyinka kaabayaasha shaqaalaha, sameynta siyaasaddo iyo hab-raacyo muhiim u ah adeeg bixinta iyo waliba taageerista awood siinta haweenka iyo dhallinyarada.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Yabooh oo madasha ka hadlay ayaa u mahad-celiyay wasaaradda arrimaha gudaha oo shirkan soo agaasintay iyo hay’adihii deeq bixiyeyaasha ahaa ee muddadaas dheer soo garab-taagna dadka Soomaliyeed, iyadoo gaba-gabada madashan la isla qaatay in wejiga 4-aad ee mashruucan uu billowdo bisha May ee 2024-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here