Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, mudane Feysal Carraale Afrax ayaa maanta magaalada Lilongwe ee dalka Malawi kaga qaybgalay tababar la xiriira diiwaan-gelinta dadweynaha (National ID) iyo nidaamka dad-dhigista, iyada oo la dul-istaagayo tijaabada guuleysatay ee dalka Malawi oo hal sano gudihiis ku diiwanageliyay dad ka badan 10-Milyan oo muwaadiniintiisa ka mid ah.
Gobolka Banaadir ayaa dhawaan laga daah-furtey barnaamijka aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha bishii September 2023-ka, iyada oo qorshuhu yahay in afar sano gudahoood lagu diiwaan-galiyo 15-milyan oo muwaadin oo hadda laga billaabay caasimadda dalka ee Muqdisho.
Xafiiska ra’isul waaaaraha, wasiirrada arrimaha gudaha dowlad-goboleedyada, iyo madaxda iyo hawl-wadeenno ka kala socda hay’adda NIRA iyo xafiiska dad-dhigista wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ka faa’ideysanaya tababarkan iyo waaya-aragnimo wadaagan, lana filayo in aqoonta laga soo kororsado booqashadan ay noqon doonto mid looga faa’iideysto hawlgalka hay’adda NIRA iyo xafiisyada diiwaan-gelinta dad-dhigista ee gobolka Banaadir iyo guud ahaan waddanka.















