Dhismaha Laamiga Maana-Boolyo Oo Meel Gebo-Gabo Ah Maraya

0
48

Waddada Maana-Boolyo, oo dad badani u yaqaanaan Nasiib Boondo, ayaa haatan maraysa marxaladdii ugu dambaysay ee dhismaha, taasoo muujinaysa horumar muuqda oo laga sameeyay kaabeyaasha dhaqaalaha ee degmooyinka Koonfurta Muqdisho.

Sidoo kale Dabka, Kaxda, Shangaani, Nasiib Buundo, iyo Buula-Xuubeey ayaa waxaa ka socda dhismayaal laamiyo cusub ah, kuwaas oo qayb ka noqon doona isku xirka gaadiidka, kobcinta ganacsiga, iyo fududeynta socdaalka shacabka.

Sidoo kale, dhowr goobood oo biyo-qabad ah ayaa la dhisayaa si looga hortago Biyaha fariista xilliyada roobka, taas oo qayb weyn ka qaadan doonta nadiifinta iyo bilicda guud ee magaalada.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu Xariga kajari Doono Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr Xasan Maxamed Xuseen Muungaab dhammaan waddooyinkan, taasi oo noqonaysa guul muhiim ah oo u soo hoyatay bulshada ku dhaqan Muqdisho

#Abas Mohamed Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here