Duqa Muqdisho oo kulan la yeeshay Koonsallada Degmooyinka qaybta Galbeed.

0
20
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Koonsallada Degmooyinka Wadajir, Dharkeynley, Kaxda, Gubta, Garasbaalley iyo Dayniile, kuwaas oo ka tirsan Qaybta Galbeed ee Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd dardargelinta hawlaha maamul ee degmooyinka, xoojinta wadashaqeynta hay’adaha degmooyinka, iyo horumarinta hannaanka fulinta waajibaadka dowladnimo ee heer degmo.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in kulammadan ay ka mid yihiin talo-wadaag joogto ah oo lala yeesho mas’uuliyiinta degmooyinka caasimadda, isagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay dib-u-dardargelinta hawlaha maamul, adkeynta isla-xisaabtanka iyo kor-u-qaadidda wadashaqeynta si bulshada ku nool caasimaddu u helaan adeegyo hufan oo tayo leh.
Xubnaha Koonsallada Degmooyinka ayaa dhankooda soo jeediyay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee degmooyinkooda, horumarka socda, caqabadaha ka jira iyo baahiyaha hor-tebinta leh ee u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ku boorriyay hoggaanka degmooyinka inay dardargeliyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isla markaana si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta maamulka, amniga iyo adeegyada bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here