Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta ugu Horeeyay ee Dalka oo Geeriyooday

0
67

Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa ku geeriyooday Cali Maxamed Hiraabe “Cali Hagarey”, oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ugu taariikhda dheer Soomaaliya, islamarkaana ahaa Wasiirkii Warfaafinta ee ugu horreeyay Soomaaliya xilligii Xukuumaddii Rayidka.

Marxuumku wuxuu sidoo kale kasoo qabtay xilal heer wasiir ah oo kala duwan, wuxuuna ahaa Xildhibaan laga soo doorto degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Cali Hagarey wuxuu ka tirsanaa hoggaamiyayaashii ururkii SYL, isagoo door muuqda ku lahaa halgankii gobannimada iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ka Tacsiyadeeyey Geerida Wasiirkii ugu Horeeyey ee Warfaafinta Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Da’ud Aweys Jaamac ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Mudane Cali Maxamed Hiraabe (Cali Hagareey) oo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii Xisbiga SYL islamarkaasna Xildhibaan iyo wasiir ka soo noqday dhowr wasaaradood ee xukumadahii dowladdii Rayidka ahayd.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa yiri “Allaha u naxariistee Marxuum Cali Maxamed Hiraabe oo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii Xisbigii SYL, sidoo Kalena dhowr Wasaaradood soo maamulay waxa ay taabaneysaa guud ahaan Umadda Soomaaliyeed maadaama uu taariikh mug leh kulahaa dalkeenna waxaanna uga tacsiyadeynayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna carruurtiisa iyo qoyskiisa”.

Allaha u naxariistee Marxuum Cali Maxamed Hiraabe (Cali Hagareey) oo xilal kala duwan Soomaaliya kasoo qabtay Wasaaradihii uusoo maamulay waxaa ka mid ahaa Wasaaraddan Warfaafinta xiligii Xukuumaddii Allaha u naxariistee Ra’isulwasaare C/rashiid Cali Sharma’arke.

Marxuumka ayaa lagu xusuusan doonaa doorkiisii taariikheed, hal-abuurkiisii siyaasadeed iyo dadaalkiisii uu ku bixiyey horumarinta qaranka.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

#Abas Mohamed Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here