Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka hadlayay daraasad lagu soo bandhigayay maqaamka ay Muqdisho yeelanayso ayaa sheegay inay tahay wax lasoo dhaweeyo in laga doodo maqaamka caasimadda.
Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in laga hadlo sidii Muqdisho ay maamul la soo doortay u yeelan lahayd ay tahay biseyl la gaaray, uuna soo dhaweynayo, uuna bogaadinayo.
“Kulammo looga hadlayay Maqaamka Muqdisho 15 illaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa maalin walba la qabanayay, waana wax lagu farxo in maanta inta la isku yimaado laga hadlo Maqaamka ay Muqdisho yeelanayso” ayuu yiri Guddoomiye Yabooh.
Sidoo kale, Yabooh ayaa sheegay in 2016-kii uu ka mid ahaa maamulkii gobolka Banaadir, ayna doonayeen in Muqdisho sida ay tahay si ka wanaagsan ay noqoto, haddana isaga iyo xubno ka mid ah maamulkaas ay gobolka joogaan, dowladdii xilligaasna ay joogto, waxaana rajeynayaa buu yiri in muddo dhaw ay Muqdisho noqoto sida ay hadda tahay si ka duwan.
Guddoomiye Yabooh ayaa qiray in dadka iyo aqoonyahanka ku nool caasimadda ay doonayaan in Muqdisho sida ay hadda tahay ay ka duwanaato, dadaalkaasna waa socdaa, waana la gaari doonaa dhawaan haddii Alle idmo.