JEN. FIRIN: Saraakiisha loo xil-saaray amniga Imtixaanka Shahaadiga ah Mas’uuliyad weyn ayaa saaran: MUUQAAL

0
548

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Sulub Axmed Firin oo ayaa maanta la dardaarmay saraakiisha ilaalinaya sanaadiiqsa Imtixaanka dugsiyada sare ee dalka, kaasoo billaabnaya Sabtida soo socota oo ay bishu ku beegan tahay 27-ka bishan May, 2023.

Jeneraal Firin ayaa sheegay in saraakiisha booliiska ee loo xilsaaray llaalinta badqabka imtixaanka ay iyagu qaadayaan mas’uuliyadda wixii la qaldama, hadduu ahaan lahaa qish iyo in waqti aan ahayn xilligii imtixaankanla galayay oo sanduuqa la furo.

“Booliiska ayaa qaaday mas’uuliyadda ilaalinta imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, waana la isku ciqaabi doonaa wixii qalad ah ee ka dhaca,” ayuu yiri Jeneraalka Sulub Axmed Firin.

Sidoo kale, Taliyaha booliiska ayaa xusay in sarkaal walba oo loo xulay imtixaanka laga doonayo in mas’uuliyadda la saaray uu ilaaliyo, ogaadana wixii qaldama inay dalka oo dhan saameyn weyn ku yeelan doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here