Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ayaa Dekadda Muqdisho ku qabtay alaabo ay Isticmaalaan ciidamada oo ay ku jiraan saanad ciidan kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-Shabaab.
Sirdoonka Soomaaliya ayaa si dhaw ula socday saanadda ciidan ee lagu soo dhex-qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, illaa dalkii laga soo qaaday iyo muddadii laga shaqeynayay intaba.
Hay’adda NISA ayaa sidoo kale la socotay dhaqdhaqaaqa iyo xiriirka shabakad ballaaran oo kala joogtay dibadda, qaar ka mid ah gobollada dalka iyo Muqdisho, kuwaas oo ka wada-shaqaynayay soo iibinta, rarista, dejinta dekadda illaa gaarsiinta gacanta Khawaarijta.
Dhammaan shabakadii ka shaqaynaysay arrintan oo ka kooban in ka badan 10 ayaa NISA ay ku guulaysatay inay gacanta kuwada dhigto. iyadoo qofna uusan ka baxsan.
Sidoo kale, afar baabuur oo loo diyaariyay in lagu qaado qalabkan si ay u gaarsiiyaan Khawaarijta ayay ciidamada sirdoonka iyo nabadsugiddu qabteen.
Dhanka kale, Sirdoonka Somalia waxa uu gacanta ku dhigay alaabo u socday cadowga oo laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Dekadda iyo Garoonka waa labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkan iyo alaabada ayaa caddeyn u ah shaqada adag ay haayaan hay’adaha ammaanka dalka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeena Qaranka.
Dadka loo qabtay hawlahaan waxaa ku jira ganacsato, kuwaas oo dowladdu ay siisay ogolaasho ah inay waddanka ku keenaan waxyaabaha ay u baahan yihiin dadkeena, balse taaas beddelkeeda waxaa muuqata inay dalka soo gelinayaan wax halis ku ah dalka iyo dadka.
Ugu dambeyn, Dowladda Somalia waxaa ka go’an in tallaabo adag laga qaado dambiilayaasha Khawaarijta iyo qof kasta oo ku kaalmaysa dhibaatada ay ku haayaan dadkeenna, ha ahaadaan ganacsato, mas’uuliyiin ama nuuc kasta oo ka mid ah bulshada.















