Maamulka Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galaya Shirka Wada-tashiga Isgaarsiinta Dalka: SAWIRRO

0
199

Maamulka Gobolka Banaadir oo uu matalayo Agaasimaha waaxda Teknolojiyada iyo Isgaarsiinta, Mudane Maxamed C/raxman Yabarow ayaa ka qayb-galay furitaanka Shirka afaraad ee Wadatashiga Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah, kaasoo socon doono 12-ka – 16-ka Juun 2023-ka.

Shirkan oo ay soo Qaban-qaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) ee Dawladda Federaalka Somalia ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif.

Ujeedada shirkan waxa uu ahaa in wasaaradaha isku shaqada ah ee heer federal, dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo maamulka gobolka Banaadir ay yeeshaan wada-shaqayn iyo is-afgarad, waxaana ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Mudane Axmed Cismaan Diiriye, Wasiir ku-xigeenka Mudane, Xuseen Axmed Culusoow, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Jubaland Mudane C/rashiid Maxamed Ducaale, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Koonfur Galbeed, Mudane C/llaahi Shiikh Daahir, Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Galmudug Mudane Xildhibaan Muxyadiin Sh C/llaahi Cismaan, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee HirShabeelle, Mudane C/fitaax Xasan Faarax, Agaasimaha Guud ee WI&T Mudane C/Casiis Duwane Isaaq, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, La-taliyeyaasha WI&T, Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Isgaarsiinta ee heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah DFS.

“Ujeedkeennu waa inay si dhab ah u wada-shaqeeyaan Wasaaradaha isku shaqada ah ee heer federal, gobolka Banaadir iyo dowladaha xubnaha ka ah DF, si loo xoojiyo shaqada qaran ee dalka loo hayo, waxaa idinka mahadcelinayaa sida wanaagsan ee aad shirka ugu soo qeyb-gasheen, waxa ayna noo leedahay mudnaan gaar ah,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Ugu dambeyn, Shirkan ayaa wuxuu socon doona Muddo afar maalmood ah waxaana ugu danbeyn laga soo saari doonaa War-murtiyeedka is-afgaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here