SAWIRRO: Dhakhaatiir Talyaani ah oo Hawlo Caafimaad ka fuliyay Muqdisho oo loo sameeyay munaasabad Sagootin ah

0
254

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, mudane Ciise Maxamud Guure ayaa guddoomiyay kulan isugu jiray sagootin iyo bogaadin loo sameeyay dhakhaatir ka socota dalka Talyaaniga, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka fuliyay baaritaanno iyo daweyn loo saameyay caruurta ku dhashay xanuunnada ku dhaca wadnaha.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale, guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir, agaasimeyaal ka tirsan dowlada hoose ee Xamar iyo dhakhaatiir Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn. Guddoomiye Ciise Guure ayaa uga mahad-celiyay dhaakhaatiirtii ka socotay magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga adeega caafimaad oo ay ka bixiyeen Caasimadda dalka ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here