Duq Muqdisho Oo Hambalyo Udiray Shacabka Soomaaliyeed Munaasanadda 1-da luulyo awgeed+Sawiro

0
333

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa ka qeyb galay 62-sano guuradii kasoo wareegatay maalinta Xuriyada iyo sidoo kale israacii Gobolada Waqooyi iyo Koonfur.

Xuska Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamud, Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, saraakiisha ciidamada qalabka sida, mas’uuliyiin kala duwan Iyo Marti sharaf kale.

Munaasabada kadib ayaa markii ay saacada ku dhacay 12:00 habeenimo waxaa xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar la saaray Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya, iyadoo dhamaan Madaxdii iyo dadweynihii goobta ku sugnaa ay isugu hambalyeeyeen maalintan qiimaha badan ee 1-da Luuliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here