Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay saraakiil iyo xaraakiil-xigeenno ku biiraya ciidamada qalabka sida ee Soomaiya oo tababar uu uga socda dalka Qatar.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay ciidamadan rajada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta, dagaalkaas oo wajigiisa labaad uu qaybo dalka ka mid ah ka billowday.
Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar doorka ay ka qaadanayso dib u dhiska qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya sida; Cirka, Barriga iyo Badda.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan ayaa kula dardaarmay ciidamadan in ay kaalin mug leh ka qaataan hoggaaminta ciidanka loo diyaariyay dagaallada ka dhanka ah kooxaha nabadda Soomaaliya caqabadda ku ah ee la doonayo in dalka oo dhan laga sifeeyo.














