Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa casho sharaf u sameeyay dhakhaatiir u dhashay boqortooyada Sucuudi Carabiya kuwaas oo ku takhasusay daweynta kilyaha, kana hawlgala Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa kaga mahadceliyay dakhaatiirta sida ay isku soo xil-qaameen, uguna soo dhiiradeen in ay Soomaaliya ka hawlgalaan, iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu shaqeynaya si bilaash ah.
Ugu dambeyn, Casho sharafta waxaa ka ahaa goobjoog guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshda iyo wacyigelinta Maamulka gobolka Banaadir, guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud, agaasimaha guud ee arimaha bulshada iyo marti sharaf kale.