SAWIRRO: Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir oo Daahfuray ololaha la dagaallanka xad-gudubyada ka dhanka ah Haweenka

0
318

Agaasimaha caafimaadka gobolka Banaadir, Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa maanta daahfuray ololaha la dagaallanka iyo ciribtirka xad-gudubyada ka dhanka ah dumarka iyo gabdhaha (GBV 16 Days Activism).

Ololahan ayaa bilowday 25-kii Nofeembar waxa uuna socon doonnaa illaa 10 ka Diseembar. Agaasime Cabdiraxmaan ayaa sheegay in hawlwadeennada caafimaadka ay u heellan yihiin caawinta iyo wax-qabadka dadka ay tacadiga soo garaan.

Ugu dambeyn, Waxaa kale oo agaasimuhu uu sheegay in xarumaha caafimaadka laga hirgelin doono goobo loogu adeego dadka gaar ahaan haweenka lagula kaco tacadiyada (GBV One Stop Center).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here