Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay dib-u-howlgelinta sheybaarka hubinta tayada dhismaha Dowladda Hoose ee Xamar, kaasoo ay ka hawlgali doonaan quburo u dhashay dalka Turkiya, si loo tayeeyo dhismooyinka Magaalada Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya la hubin doonno tayada dhisma wadaagga iyo qalabka dhismaha, sidoo kale waxa uu sheegay in la hubin doonno aqoonta Injineerrada, si looga badbaado dhibaatooyinka ka dhasha burburka ku yimaada guryaha Muqdisho.
Ugu dambeyn. Munaasabadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee BFS, madaxda hay’adda TIKA, agaasimayaal iyo marti sharaf kale.











































