Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar Shaqo ku gaaray Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya

0
175

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nayroobi halkan oo uu ku joogayo safar shaqo oo hal maalin ah.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaadan doono dhiggiisa dalka Kenya Mudane Wilam Ruto oo ay kaga arrinsanayaan , iskaashiga labada dal ee ciribtirka argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka, xasilloonida iyo nolosha shucuubta gobolka iyo danaha Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here