Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Bulshada Degmada Howlwadaag kala qeybgalay Munaasabad isugu jirtay soo dhaweyn iyo wareejin Deeq Agab ah oo Bulshada Degmada Howlwadaag ugu tala-galeen in la gaarsiiyo shacabka Abaaraha kasoo barakacay ee ku jira xeryaha ku yaala Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu Mahadceliyay Bulshada Degmada Howlwadaag ka jawaabida baaqiisa ahaa in loo gurmado shacabka abaaraha ay soo saameeyeen kuwaas oo soo maciin biday Magaalada Muqdisho, asigoona sheegay in si deg-deg ah loo gaarsiin doonno deeqdaasi.
Munaasabada waxa joogey Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, waxgarad, Haween, dhalinyaro, agaasimayaal ka tirsan gobolka banaadir iyo guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir Basma Caamir














