Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Oo Turkiga u Ambabaxay+Sawiro

0
794

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta safar shaqo ugu ambanaxay dalka Turkiga gaar ahaan Magalada Konye oo ah magalaada 3-aad ee ugu weyn dalkaasi.

Safarka Guddoomiyaha oo qaadan doono maalmo kooban ayaa waxa uu halkaasi uga qeyb gali doonaa shir muhiim ah oo ku saabsan horumarinta iskaashiga magaalooyinka Muqdisho iyo Konya.

Horraantii sanadkan ayaa Hoggaanka Maamulka Gobolka Banaadir oo ay wehliyaan Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Agasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee dowladda Hoose iyo Gobolka Banaadir waxa ay meela mariueen heshiis islkaashi oo dhex mara Magaalooyinka Muqdisho iyo Konye.

Iskaashiga Labada magaalo ayaa wxaaa uu Magaalada Muqdisho ka saacidi doonaa waxyaabo badan, sida ka faa’iideysiga qashinka iyo sameynta warshado yar-yar oo kaaba shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Cumar Filish waxaa garoonka Aadan Cadde ku sii sagootiyey Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Gobolka Banaadir ahna ku xigaha duqa Muqdisho u qaabilsan Maamulka iyo Maaliyadda oo hadda noqonaya ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalada Muqdisho Mdane Cabdulqaadir Maxamed Maxmuud Caanaboore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here