Imtixaankii Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe oo la soo Gabagabayeeyay: SAWIRRO + MUUQAAL

0
784

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugaiga Dhexe, kaasoo billowday Sabatidii toddobaadkan, waxaana ardaydii ka qaybgalay ay muujiyeen farxad dheeri ah markii uu u soo dhammaaday.

Agaasimaha Guud ee Waxbaradhada Gobolka Banaadir oo la haflay warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in lasoo gunaanado imtixaanka fasallada 8-aad ee Dugsiyada dhexe ee 2022/2023. Imtixaankan ayaa waxaa u fariistay 31,688-arday oo ka kala socday 76-xarumood iyo 1,592 fasal oo dhammaantood ka mid ah dugsiyada Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Waxaa goobjoog ka ahaa goob ay ardayda lagula hadlay taliyaha booliiska Soomaaliyeed, Jen. Sulub Axmed Firin iyo mas’uuliyiinka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in imtixaankii shahaadiga ee fasalka sideedaad.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo Wacyigelinya maamulka Gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cusmaan Maxamed ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in maanta lasoo gunaanado imtixaankii dusgiyada dhexe, ayna si aad ah ugu faraxsan yihiin in ardaydan ay u gudbaan dugsi sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here