Waaxda Gurmadka Deg-dega ah ee Dowladda Hoose ee Xamar ayaa heegan buuxa gelisay koox loogu talo-galay fatahaadda roobabka ka da’aya Caasimadda iyo qalabka lagu samata-bixiyo dadka ku maashooba daadadka.
Agaasimaha Gurmadka Deg-degga ah, Cabdiqani Maxamed Axmed oo la hadlay Idaacadda Codka Caasimadda FM ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kooxdan ay u diyaarsan yihiin inay ka jawabaan waxyeellada fatahaadda ay dhaliyaan roobabka Guga ee xilligan ka billowday Caasimadda dalka ee Muqdisho.
“Waxaan diyaarinay koox aan ugu talo-galnay inay si degdeg ah uga jawaabaan khasaraha ka dhasha roobka, waxa aan sidoo kale diyaarinnay qalabka lagu samata-bixiyo dadka ay daadadku qaadaan ama la tagaan,” ayuu yiri C/qani.
Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo roobab daadad dhaliyay ay Jimcihii ka da’een Muqdisho, kuwaasoo geystay geerida afar qof, burbur hantiyeed iyo bakaraca in ka badan 70 qoys oo danyar ah.














