Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool waxaa lagu soo gabagabeeyay shirweynihii dhismaha iyo ansixinta Dastuurka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya. Shirkan ayaa muddooyinkii la soo dhaafay si habsami leh uga socday magaaladaan iyadoo ay goobjoog ahaayeen wasiiro ka tirsan xukumadda Faderaalka Soomaaliya.
Shirkan taariikhiga ah waxaa si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh). Waxaa sidoo kale ka qeyb galay 417 ergo oo matalayey bulshada kala duwan ee ka soo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Ujeeddada shirkan ayaa ahayd in la dhiso hannaan dastuur ah oo sal adag u noqda dowladnimada Waqooyi Bari Soomaaliya, lana xoojiyo hay’adaha dowladeed ee deegaankaas. Intii uu socday shirka, ergadu waxay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen dastuurka cusub ee dowlad goboleedka.














