Sidee gudoomiye Muungaab horseed ugu noqday isbadal ay sugayeen shacabka caasimadda?

0
132

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay 5-tii June 2025, waxaana lagu soo dhaweeyay niyad wanaag iyo rajo xooggan oo ku aaddan inuu horseed u noqon doono isbeddel muuqda oo ka hirgala caasimadda Soomaaliya.

Lawareegida xilka ee Duqa Muqdisho ayaa horseeday kulamo soo dhawayn ah oo shacabka iyo siyaasiyiintu ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin hoggaan cusub oo dhiirran, isla markaana wax ka beddeli kara arrimaha amniga, nadaafadda, nalaynta iyo bilicda guud ee caasimadda oo ay ka muuqo rajo ifaysa oo ay kula tartamayso caasimadaha caalamka ka dib tobanaan sano ee dagaalo ah.

Guddoomiyaha ayaa durbaba bilaabay isbeddello maamul, isla xisaabtan dhab ah, iyo dib-u-habeyn ku saabsan maaraynta dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar. Wuxuu joojiyay kharashaad si aan waxtar lahayn ku bixi jiray, isagoo go’aamiyay in dakhliga kasoo xarooda canshuuraha ay bixiyaan shacabka Muqdisho dib loogu celiyo caasimadda si loo horumariyo adeegyada bulshada.

May be an image of map and text

Maalmihii ugu horreeyay ee xafiiskiisa, Dr. Muungaab wuxuu bilaabay dhismaha qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda, kuwaas oo ay kamid yihiin: jidka mashquulka badan ee Zoobe, Nasiib Buundo, 26-ka June, iyo waddada isku xirta Banaadir ilaa Wadajir. Lacagta lagu dhisayo waddooyinkan waxay kasoo baxday canshuuraha dadweynaha, halkii hore loogu leexin jiray jeebabka shaqsiyaad aan xiriir la lahayn shaqada gobolka, sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee gobolka Banaadir, Xuseen Cabdulle Maxamed.

May be an image of 6 people, dais and text that says 'Markii aan Xafiiska nimid, waxaan dib u habeyn ku sameynay maamulka iyo maaliyadda si dakhliga loo hubiyo, loogana faa'iidaysto mashaariic hufan iyo adeegyo aas-aasi ah 00 horumarinaya caasimadda, sida: waddo dhisid, bilicda magaalada, waxbarasho iyo daryeel caafimaad. Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisha JAMHU Maamulka ADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA blka Banaadir Dowladda Xamar da 26 June eekh Cali xirta Deç 25 ® De 0@000Fwartahingb DOOOO EWarbaahinta Gabolka Banaadir'

Tallaabooyinka isla xisaabtanka ee uu qaaday Guddoomiyaha ayaa shacabka ku abuurtay kalsooni cusub, maadaama ay arkeen in canshuurtooda si hufan loogu celinayo adeegyo muuqda. Waxaa sidoo kale la xoojiyay kormeerka tayada dhismaha, iyadoo shirkadaha la siiyay qandaraasyada lagu xiray shuruudo adag, gaar ahaan waddooyinkii ku burburay roobabkii ka da’ay Muqdisho.

Xulashada agaasimeyaasha, guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyo shaqaalaha Dowladda Hoose ee uu magacaabay Guddoomiyaha, ayaa la rumeysan yahay inay ku saleysnaayeen aqoon, karti, xirfad iyo waayo-aragnimo, taasoo sii kordhisay kalsoonida shacabka. Taas ayaa suuragelisay in Muungaab loo arko hoggaan la jaanqaadaya rabitaanka bulshada.

May be an image of 5 people and text

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale lagu amaanay la dareen noqoshada shacabka caasimadda waxa uuna ka jawaabay cabasho ka soo gaartay shacab ku ganacsanayay suuqa ganacsi ee ugu Soomaaliya ee Bakaaro halkaas uu ka socday qorshe lagu doonayay in dhul looga boobo ganacsato halkaasi mudo ku shaqaysanayay. Gudoomiyaha oo halkaasi ka tagay la fariistay ganacsata una balanqaaday in aan cidna ku xadgudbi karin ganacsata magaaladda Muqdisho.

May be an image of 6 people

Taariikhdiisii hore ee hoggaamineed, oo ay ku jirto xilligii uu horey u ahaa duqa Muqdisho, ayaa sare u qaaday rajada shacabka. Wuxuu xilligaas caan ku noqday maamulka hufan, dhismaha xarunta dowladda hoose ee gobolka Banaadir, iyo horumarinta waddooyinka muhiimka u ah isku socodka caasimadda.

Gudoomiyaha oo balanqaaday isbadal muuqda 100 maalin ee ugu horeeya mudo xileedkiisa ayaa dhexda uga jira bilihii ugu horeeyay ee shaqada taas oo durba banaanka keen shaqada la mahdiyay uu ka qabtay caasimadda Soomaaliya, isbadala maamul iyo hanaankiisa siyaasadeed oo ku salaysan kor u qaadida baahiyaha shacabka iyo in canshuuraha ay bixiyaan shacabka dib loogu celiyo adeegyada dadwaynaha ee dowladda hoose bixiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here