Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir dhinaca Maamulka Iyo Maaliyadda Mdane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Caanabooro) ayaa waxgaradka Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa kala qeyb galay Barnaamijka latashiga dadweynaha oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid.
Waxgaradka degmooyinkaas ayaa Guddoomiye ku xigeenka ka codsaday inuu wax ka qabto dhibaatooyin ay sheegeen iney la daalaa dhacyaan deegaanadooda, sida Isgoyska Fagax oo kala qeybiya labada degmo kaasoo noqday biya degeen.
Guddoomiye Caana Booro ayaa sheegay iney wax la taaban karo ka qabanayaan dhibaatada ka jirta Isgoyska Fagax iyo baahiyo kale oo ay Sheegeen oo ay ka mid yihiin Waxbarashda iyo Caafimaadka.
Kulanka waxaa Guddoomiye ku xigeenka ku wehliyey Guddoomiyaasha Yaaqshiid iyo Heliwaa, qaar ka mid ah Agaasimayaasha waaxyaha Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose iyo Guddoomiyaha dhalinyarada Gobolka Banaadir.













