Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo hambaleeyay hogaanka cusub ee DG Waqooyi Bari Soomaaliya.

0
165
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadirahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo Ku-xigeenkiisa Cabdirashiid Yuusuf Jabriil, oo maanta ku soo baxay doorasho ka dhacday magaalada LaasCaanood.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha cusub iyo Ku-xigeenkiisa ay astaan u tahay kalsoonida shacabka iyo hay’adaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, isagoo madaxda cusub u rajeeyay guul iyo horumar ku aaddan gudashada waajibaadka horyaalla.
“Anigoo ku hadlaya magaca Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka magaalada Muqdisho, waxaan hambalyo diirran u dirayaa Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo Ku-xigeenkiisa Cabdirashiid Yuusuf Jabriil. Waxaan Alle uga baryayaa inuu ku garab galo xilka culus ee loo igmaday, isla markaana ay horseedaan nabad, midnimo iyo horumar waara,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa intaas ku daray in wadashaqeynta iyo iskaashiga dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yihiin tiir muhiim u ah nabadda iyo dowlad-dhiska, isagoo tilmaamay in Muqdisho ay diyaar u tahay kor-u-qaadidda xiriirka walaaltinimo ee umadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here