Taliska qaybta guud ee booliiska gobolka Banaadir ayaa ku amray dhammaam wadayaasha Moota Bajaaj-ta ee ka shaqeeya caasimadda iyo nawaaxigeeda in la mamnuucay beensalka muraayada hore ee Bajaajta lagu xiro.
Amarka ka soo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in sababo amni dartood loo joojiyay, iyada oo la faray wadayaasha Mooto Bajaaj-ta in uu dhaqan-galayo amarkan maalinta Axadda oo ay taariikhdu ku beegantahay 13/1/2024.
Taliska qaybta guud ee booliiska gobolka Banaadir ayaa wadayaasha iyo dadka leh mootooyinka ku adkeeyey in ay amarkaan u hoggaansamaan, kaasoo lagu sugayo amniga iyo xasilloonida bulshada, iyada oo uu talisku sheegay in ciddii u hoggaansami weyda loo aqoonsan doona in ay lid ku tahay amniga guud ee caasimadda dalka.













