Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Warta Siigaale ee degmada Hodan, taas oo ah warta ugu weyn caasimadda, islamarkaana biyo-qabad u ah ilaa todobo degmo oo ka tirsan magaalada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in iyadoo laga faa’iideysanayo Mashruuca Nagaad, ay dowladdu u suurtagashay dhagax-dhigga dhismaha Warta Siigaale, oo kamid ah meelaha ay ka jiraan dhibaatooyin culus oo sababa daadad soo noqnoqda, kuwaas oo sanad walba galaafta nolosha dad badan marka ay biyuhu buux-dhaafaan.
Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa xusay in Maamulka Gobolka mas’uuliyad gaar ah iska saari doono sidii mashruucan loogu fulin lahaa si casri ah, isagoo tilmaamay in dib loo dhaqaajiyay dib-u-dhiska waddooyinka muhiimka ah ee Dabka iyo Buundooyinka, kuwaas oo muddo ku-dhawaad sanad ah hakad ugu jiray sababo la xiriiray arrimo heshiis iyo lacag-bixin.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, Guddoomiyaha degmada Hodan, Mudane Cali Fahle, iyo agaasimayaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.













