Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daahfuray ololaha Ka hortaga Cudurka Dabeesha kaas oo laga fulin doono degmooyinka Caasimadda.
Gudoomiye Cumar Filish ayaa ka hadlay ahmiyada uu Talaalkan u lee yahay ka hortaga xanuunka Dabeesha isagoo ugu baaqay bulshada gobolka Banaadir iney ka faa’ideystaan talaalkani.














