Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan casho-sharaf ah Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ugu sameeyay culumaa’udiin Soomaaliyeed oo ka yimid waddamada Bariga Afrika, kuwaas oo bulshada gaarsiiya faafinta diinta Islaamka.
Culumadan oo Muqdisho u yimid in ay bulshada ugu nasteexeeyaan Diinta Islaamka ayaa waxaa hoggaaminaayay Sheekh Xuseen Cali Sugaal (Sheekh Xuseen Jabuuti) iyo Sheekh Cabdiraxmaan Macallin Jigjiga, waxa ay munaasabadda ka jeediyay khudbado isugu jirtay mahad-celin iyo guubaabo.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa; wasiirka arrimaha gudaha XFS, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada, xog-hayaha guud, guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimeyaal, haweenka iyo marti-sharaf kale.














































