Kulan uu soo qaban-qaabiyay Agaasimaha Arrimaha Diinta iyo Awqaafta maamulka Gobolka Banaadir, Sheekh Cabdullaahi Axmed Garruun ayaa maanta lagu qabtay degmada Yaaqshiid ee Muqdisho, kaasoo ay macallimiinta dugsiyada Qu’aanka ee Degmada Yaaqshiid ku doorteen hoggaan ay ku mideysan yihiin.
Kulankan ayaa waxaa furay guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Yaaqshiid Mudane, Cabdullaahi Yuusuf Maxamed (Shiiloow), waxaana kulanka intii uu socday macallimiinta lagu boorriyay inay mas’uuliyad iska saaraan carruurta Soomaaliyeed ee ay diinya barayaan.
Ugu dambeyn, Munaasabaadaan oo ka dhacday xarunta degmadda Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa macalimiin ka kala yimid dhaamaan degmada Yaasqshiid iyo kuwo kale oo ka kala yimid qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.




































