Taliyaha qaybta guud ee ciidanka booliska gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin oo la hadlayay boqollaal askari oo ka tirsan ciidanka booliiska ee ka hawlgala gobolka Banaadir ayaa sheegay inay bateen dilalka shacabka loo geysto, gaar ahaan dhallinyarada wata bajaajyada, wixii maanta ka dambeeya way dhammaatay in askariga uu dhibaato u geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Ciidamada uu la hadlay taliyaha oo uu sheegay in sababta la isugu keenay ay tahay in la wacyi-geliyo ayaa waxa uu u sheegay in waxa loo diray ay tahay inay amniga shacabka sugaan ee aan loo dirin in ay lacag ka qaataan ama ay xabbad ku dhutaan.
“Waxa aan direyska u sidannaa waa ilaalinta shacabkeenna iyo sidii aan ugu adeegi lahayn, sidaas darteed sax ma aha in askari Soomaaliyeed uu maalin kasta xabbad ku dhufto muwaadin Soomaaliyeed oo walaalkiis ah oo aan waxba galabsan,” ayuu yiri taliye Mahdi Muumin.
Taliyuhu waxa uu intaas ku daray in aysan jirin cid looga harayo daadinta dhiig muwaadinka Soomaaliyeed oo aan dambi gelin, waxa uuna xusay in dhibbane walba uu xaqiisa heli doono.
“Askarigii qof shacab ah ku dila Gobalka Banaadir ee baxsada waxaa dhibka uu geystay loo maxkamadeyn doonaa askarta goobta la joogtay,” ayuu hadalkiisa ku daray taliye Mahdi Cumar.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada laga rabo in muwaadinka Soomaaliyeed ay u adeegaan oo aysan handadin, qori ku caalin, lacag ka qaadan, balse taas badalkeed la rabo in shacabku ay ammaan u soo doontaan askarta.













