Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta magaalada Beledweyne kulan kula qaatay qaar kamid ah Wariyayaasha ka howlgalka Gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne.
Kulanka oo ujeedkiisa ahaa is barasho iyo labo jibaaridda howlaha shaqo ee Wariyayaasha u haayaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Hirshabelle.
Wariyaayasha ayaa Madaxweynaha Hirshabelle u gudbiyay caqabadaha aay la kulmeen waxa aayna ka dalbatay helidda warar dhanka dowladda ah iyo in Wariyayaasha loo fududeeyo tabinta wararka doorashada la xariira madama Beledweyne lagu qabano doorashada 25-kursi ee golaha shacabka.
Madaxweynaha Hirshabelle mudane Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa wariyayaasha ka howlgala Gobolka Hiiraan iyo guud ahaan Hirshabelle ku amaanay sida aay uga qeyb qaataan horumarka Hirshabelle waxuuna ballan qaaday in dowladda Hirshabelle ilaalin doonto xuquuqda hadalka iyo madax bannaanida Wariyayaasha madaxa bannaan.
Dhanka tabinta doorashada Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ballan qaaday in wariyayaasha si siman u tabin doonaan wararka la xariira doorashada,waxuuna wariyaasha ka howlgala Gobolka Hiiraan ku booriyay in aay diiradda saaraan tabinta wararka la xariira horumarka gobolka.













