Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab oo mas’uuliyiin cusub magacaabay: SAWIRRO

0
214

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u magacaabay.

1- Mudane Mustaf Maxamed Macallin waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Xog’haynta Guud ee Gobolka Banaadir. Waxaana xilkii laga qaaday Md. Maxamed Afrax Xusuleey.

2- Mudane Zakariye Bashiir Muude, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Bulaacadaha iyo Biyo Mareenada D/Hoose ee Xamar. Waxaana xilkii laga qaaday Md. Maxamed Xasan Casir.

3- Basiima Ilyaas Muuse, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kalluumeeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Gobolka Banaadir. Waxaana xilalkii laga qaaday Md. Mustaf Maxamed Macallin iyo Md. Cabdiqani Axmed Xasan.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u rajeeyay mas’uuliyiintaan in ay dardargeliyaan howlaha shaqo ee loo idmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here