Inta la xaqiijiyay 4 Askari ayaa ku dhintay tirko kale.na waa ku dhaawacmeen qarax miino oo nooca dhulka la gelyiiyo ah oo lala beegsaday gaariga Siyaasi Muxidiin Xasan Afrax, xili uu marayay agagaarka sarta Beexaani ee degmada Shibis G/Banaadir.
Siyaasi Muxiyadiin Xasan Afrax iyo Xildhibaan hore Xuseen Caraale ayaan la sheegay inay ku dhaawacmeen qarax lala eegtay gaariga.
Ma jirto xog rasmi ah oo laga helay inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay qaraxa.
Waa markii labaad oo Muxiyadiin Xasan Afrax gaarigiisa lal beegsado qarax, balse uu alle ka badbaadiyay.













