Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday dhacdadii xalay ka dhacday degmada Hawl-wadaag ee la xariirta dhisma ka kooban dhowr dabaq oo soo dumay kaas oo ay ku geeriyoodeen inta la xaqiijiyay hooyo iyo caruurteeda.
Guddoomiye Madaale, ayaa warbixin la xariirta dhacdadan ka wareystay kooxda gurmadka degdegga ah, maamulka degmada Hawlwadaag iyo saraakiisha amniga, waxa uuna faray si degdeg ah baaritaan rasmi ah loogu sameeyo sababta ka dambeysa in dhismahan uu soo dumo.















