Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul-gariirkii Turkiga

0
236

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddiga Qaran ee gurmadka dhul-gariirkii dhawaan ku dhufay dalka Turkiga, kuwaasoo ka kooban 11 xubnood oo ay ku jiraan wasiirro.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in markuu Ra’iisul wasaaruhu arkay, baaxadda uu leeyahay qasaaraha uu geystay dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga. Markuu arkay, baahida loo qabo in la magacaabo Guddiga Qaran ee Gurmadka degdegga ah ee taakuleynta dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga. Markuu tixgeliyay, Mas’uuliyadda Dowladda Soomaaliya ka saaran garab-istaagga dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee dalka Turkiga.

Waxa uu RW Xamse magacaabay guddi heer Qaran ah oo uu u xilsaaray gurmadka dhul-gariirkii khasaaraha ba’an geystay ee ka dhacay Turkiga, waxay kala yihiin:

1. Mudane Xasan Macallin Maxamuud
2. Mudane Axmed Macallin Fiqi
3. Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir
4. Sheekh Bashiir Axmed Salaad
5. Sheekh Cabdulqaadir Soomow
6. Suldaan Cabdiqani Qorane
7. Cumar Xasan Maxamed
8. Axmed Maxamuud Yuusuf
9. Axmed Shirwac Maxamed
10. Duniya Maxamed Cali
11. Prof. Xuseen limaan

Sidaa daraadeed, xubnaha guddiga sare ku xusan ee gurmadka Qaran ee dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga, waxaa la faray inay sida ugu dhaqsiyaha badan u gudagalaan howlaha loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here