Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa faahfaahin ka bixiyay dilal ay askar ka tirsan ciidamada qalabka sida u geysteen dad shacab ah iyo howlgallo ay ciidanka amniga ka sameeyeen Muqdisho.
Doodishe waxa uu sheegay in falal amni-darro ay maalmihii u dambeeyay ka dhaceen magaalada Muqdisho, isagoo xusay in ay soo laalaabteen dhibaatooyinka ay ciidamadu u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed.
“Degmada Hawlwadaag 1:40 daqiiqo oo duhurnimo ayaa saddex shaqsi oo dharka ciidamada ku labisan oo marayay agagaarka masjidka Nasruddiin, waxa ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo goobta ka dhawaan, iyagoo ku macneeyay rasaastaas inay waddo ku furanayeen taas oo qalad ah, ayuu yiri Sadiiq Doodishe.
Sidoo kale, afhayeenka booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in rasaasta ay fureen ciidankaas uu ku dhintay wiil dhallinyaro ah oo 22-jir ahaa laguna magacaabi jiray Allaha u naxariistee, Sharma’arke Cabdixakiin Diiriye.
“Hawlgallo ay sameeyeen ciidanka ammaanka Qaranka ayay kusoo qabteen saddexii labisnaa dharka ciidamada ee dilkaas geystay, haddna way xiran yihiin waana eedeyanayaan sharciga mari doona.
Ugu dambeyn, Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamada ku sugan baraha koontaroollada ah ay hubiyaan gaari walba oo soo gudbaya, isagoo sheegay in amarkan ay keentay ciidammo hubeysan oo mararka qaarkood rasaas ku fura ciidamada ku sugan koontaroollada Caasimadda.