Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay barnaamij lagu qabtay aaladda X Spaces (Twitter), ayaa sheegay in dowladda Federaalka Somalia ay dagaallada lagula jiro kooxaha Khawaarijta u kaashatay shacabkeeda intii la sugi lahaa kaalmo shisheeye, isagoo xusay in la gaaray guulo la taaban karo.
“Waxa aan go’aansannay in aan kaashanno shacbiga Soomaaliyeed halkii aan sugi lahayn kaalmo shisheeye. Abaabul badan kaddibna guulaha la gaaray waxa ay ku yimaadeen in shacbiga uu dagaalka Khawaarijta qayb ka noqdo.”
Ugu dambeyn, Kulanka Aalladda X Spaces lagu qabtay ayaa waxaa ka qayb-galay inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo dadweyne kale, waxaana cinwaanka kulanka uu ahaa: Maxaa shacabka iyo Siyaasiyiinta kala gudboon Dagaalka Dowladdu kula jirto Al-Shabaab.













