Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dhismaha wadada laamiga cusub ee dal-xoreeye, taasoo isku xiraysa laamiga 21-ka Oktoobar ee degmada Waaberi iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isla markaana dhex-marta waddada hadda loo yaqaano jaayga.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doonno dhismooyinka kusoo xad-gudbay waddadan, maadaama dhismaheeda loo qorsheeyay in ay noqoto mid labo dhinac ah, iyada oo muhiim u ah isku socodka iyo isku xirka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo magaalada inteeda kale.
Munaasabadda dhagax-dhigga waddadan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee gobolka Banaadir, agaasimaha guud ee hawlaha guud, guddoomiyaha degmada Waaberi, Injineerro iyo qaybaha bulshada.




















































