SAWIRRO: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daahfuray bandhigga cilmibaarisyo laga sameeyay Muqdisho

0
320

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray soo bandhigista cilmibaarisyo laga sameeyay Caasimadda Muqdisho oo uu soo qaban-qaabiyay Machadka HERITAGE.

Cilmibaarisyada ee uu soo bandhigay machadka HERITAGE maanta ayaa diiradda saarayay dhinacyada kala ah heshiis siyaasadeedka magaalada Muqdisho ay ku dhisan tahay, nidaamyada magaalada, amniga, dhulka, isku-xirka dhallinyarada iyo barakacayaasha.

Munaasabada cilmibaarisyadaan lagu soo bandhigay waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), maamulka iyo madaxda machadka HERITAGE, agaasimeyaal ka socday wasaaradaha XFS qaarkood, agaasimayaal iyo guddoomiyeyaal ka socday maamulka Gobolka Banaadir, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here