Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo taclinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay baaris ku sameysay doonto cabashooyinkii arday ka haray liiska ardaydii u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad, iyada oo wasaaraddu sheegtay in ardaydaas aysan soo marin habraaca sharciga ah.
“Wasaaradda Waxbarashadu waxay baaris ku sameysay cabashooyinkii ardaydan, waxaana u caddaatay in ardaydani aysan soo marin habraacii sharciga ahaa ee sooyaalka waxbarashada, xogtooda ardaynimana aysan ku jirin xog-kaydiyaha guud ee waxbarashada dalka (EMIS),” sida lagu yiri warka ka soo baxay wasaaradda.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa sheegtay in ay baaris ku waddo dugsiyada ay ardaydan dhiganayeen. “Wasaaraddu waxa ay baaris ku waddaa dugsiyadii sida baal-marsan sharciga iyo hannaanka waxbarashada dalka ku kacay ee ardaydan aan xogtooda la hayn ay wax ka baranayeen. Dugsigii ay ku caddaato in ay mas’uul ka yihiin fal-dambiyeedkan, waxaa la la tiigsan doonaa sharciga.”
“Wasaaradda Waxbarashadu waxa ay ku wargalinaysaa waaliddiinta Soomaaliyeed in ay si weyn uga feejignaadaan dugsiyada aanan raacaynin habraaca iyo hannaanka sharciga ee u yaalla waxbarashada dalka, had iyo goorna ay hubiyaan sugnaanta xogta ardaynimo ee ubadkooda,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed Wasaaradda.
Sidoo kale, Wasaaradda Waxbarashada XF ayaa guul u rajeysay dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad, ee sannad-dugsiyeedka 2022/2023, kaasoo dhacaya dalka oo dhan.
Ugu dambeyn, Bayaanka Wasaaradda ka soo baxay ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay arday Soomaaliyeed ka cabanayeen in laga waayay liiska ardayda ka qaybgalaya imtixaanka sanadkaan.













