Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo warbaahinta la hadlay ayaa xoojiyay fulinta amarkii uu dhawaan soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in Caasimadda dalka ee Muqdisho aan lagu dhax-wadan karin hub iyo gaadiid dagaal.
Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa ku baaqay in la dhaqan-geliyo amarkii Madaxweynaha JFS, wuxuuna intaa ku daray ciddii u hoggaansami wayda in laga qaadayo tallaabbada ku habboon.
โMaalin dhaweyd Madaxweynaha JFS wuxuu ku dhawaaqay inaan lagu dhex wadan karin Caaasimadda gaadiidka ay hubka culus saaran yihiin, sidaas si la mid ahna golaha wasiirrada XFS ayaa ku dhawaaqday isla amarkaan, inagoo taas tix-raacayna waxaan leennahy Gobolka Banaadir laguma dhex-wadan karo baabuurta hubku ku rakiban yahay, ” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Waxa uu Duqa Muqdisho hadalkiisa ku daray: “Ciidamada amniga waa aragteen beryahaan aad ayay u feejigan yihiin, in kuwa amarka ku xadguba inay qabtaan ayayna diyaar u yihiin.”
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa faray guddoomiyeyaasha degmooyinka, ku xigeennadooda iyo saraakiisha amniga inay dhaqan-geliyaan amarka dowladda, ciddii ka hor timaaddana waa lala xisaabtami doonaa.













