Madaxweyne Xasan oo La-taliye u Magacaabay Dr. C/raxmaan Baadiyow

0
459

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Dib u heshiisiinta, Mudane Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi Baadiyow oo horay u ahaa La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha dastuurka.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo dalka kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan ayaa aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed , taasi oo mudnaan gaar ah u leh dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tilmaamay muhiimadda ay dowladnimada Soomaaliya u leedahay dib u heshiisiinta ayaa kula dardaarmay Lataliyaha in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee lagu gaarayo heshiis buuxa oo dhexmara Ummadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here