Duqa Muqdisho oo la kulmay ehellada dadkii ku dhintay shaqaaqadii ka dhacday Isgoyska Siinaay: SAWIRRO

0
341

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ku booqday dhaawacyadii iyo ehelada marxuumiintii ku shahiiday shaqaaqadii 27-kii Feberaaayo 2023-kii ka dhacday isgooska Siinaay, waxaana dhaawacyadii uu booqday ka mid ahaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Mudane Sulaymaan Fargax.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa booqashadiisa isbitaalka Urdogan waxaa ku wehlinayay guddigii uu u xilsaaray soo qiimeynta kiiskii ka dhacay isgooska Siinaay, waxa uuna ugu horeyn ehelada marxuumiinta ugu tacsiyeeyay musiibadii dhacday, isagoo ku qanciyay in si degdeg ah loo aaso maydadka qaar ka mid ah oo maalmihii lasoo dhaafay ku jiray qaboojiyeyaal si cadaalad loogu helo marxuumiintaas.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimaale Madaale ayaa sheegay in gacanta lagu haayo 14 ka mid ah askartii ku qornayd Isgooska Siinaay, si degdeg ahna sharciga loo horkeeni doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here