Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) oo shir jaraa’id ku qabtay taallada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan jirin cid laga yeelayo inay amniga caasimadda carqaladeyso.
G/Sare Macallin Mahdi ayaa sheegay in goobta shirka jaraa’id uu ku qabanayo ay joogaan iskaashatooyinka soo dajiya Bajaajyada iyo darawallada ku shaqeysta Bajaajyada.
“Cidna fowda laga yeeli maayo, askarta waxaa ku jira kuwa xun, sidaas awgeed waxaana naga go’an kuwaas in aan ka qabano dadkeena” ayuu yiri Macallim Mahdi.
Ugu dambeyn, Shirkan jaraa’id ee uu maanta qabtay taliyaha Qaybta booliiska Gobolka Banaadir, G/Sare Macallin Mahdi ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho lagu dilay dhallinyaro ku shaqeysta Bajaajta.













