Ra’iisul Wasaare Xamse oo Wasaarado dhawr ah u Magacaabay Agaasimayaal Guud: SAWIRRO

0
372

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaacabay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha deegaanka iyo isbedelka cimillada, awqaafta iyo arrimaha diinta, qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka iyo dhallinyarada iyo Cayaaraha.

Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) waxaa loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta.

Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, waxaa loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka cimilada.

Maxamed Bashiir Cumar, waxaa loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka.

Cabdullaahi Jamaal Maxamed, waxaa loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here