Hay’adda WFP oo Beesha Caalamka ugu baaqday in gurmad deg-deg ah loo fidiyo Malaayiin Soomaali ah oo ay hayso cuno-yari

0
298

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada ee WFP ayaa ugu baaqday beesha caalamka in gargaar dhaqso badan ay u diraan Soomaaliya, xilli cunto yari va’an ay kusii baahayso dalka.

Qiyaastii tiro ka badan 6.6 milyan oo qof, ayaa la filayaa inay wajahaan cunno-yari ay hareer socoto gaajo oo kasii daran sanadkan sida ay Cindy McCain ka sheegtay Khamiistii shalay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

McCain ayaa tiri: “Soomaaliya ayaan bishii lasoi dhaagay, waxa aan soo arkay sida dagaalka iyo isbeddelka cimilada ay isaga kaashanayaan burburinta nolosha malaayiin Soomaali ah.” Waxa ay intaas ku dartay. “Waan argagaxay oo ka qalbi jabay waxa aan soo arkay oo ay hareer socdaan; colaado, cabsi iyo gaajo aad u daran ayaa ka jira Soomaaliya.”

Waxa ay raacisay hadalkeeda; “Soomaaliya oo abaar daran ay ka jirtay intii u dhexeysay 2020 – 2022, waxa ay ka badbaaday macluul, sababtoo ah beesha caalamka ayaa aragtay digniinaha, iyagoo si dhaqso ah uga jawaabay.” “Laakiinse, waxa aan hadda halis ugu jirnaa inaan luminno horumarkii la sameeyay sanadkii tagay.”

Sidoo kale. Waxa ay sheegtay in tirooyinka halista ah waxaa ka mid ah 40,000 oo qof oo hadda ku sugan xaalado macluul u eg iyo 1.8 milyan oo caruur ah oo la filayo in sanadkan ay wajahaan nafaqo darro.

Madaxa WFP, waxay warbixinteedan ku xustay in tan iyo billowgii sanadkii tagay, dagaallada ay uga sii daray barakac ka dhashay baahi lala xiriirinayo isbeddelka cimilada.

“Barakacyadii aan dhammaadka lahayn ayaa dad badan ka dhigay kuwa sabool ah, gaajeysan oo argagaxsan,” ayay McCain ku tiri hadal ay ka jeediyay Golaha Ammaanka.

Waxaay sheegtay in iyada oo ay xaaladdaa jirto, haddana WFP ay yareysay gargaarkii, taasoo sabab u ah in dhaqaalihii ay dunida weydiisteen aysan intoodii badnayd helin.
Waxa ayna xustay in Haddii aan la helin maal-gelin dheeraad ah, tiradaas waa ay sii yaraan doontaa oo waxay noqon doontaa laba milyan bisha July.

Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa codsatay $2.6 bilyan oo gargaar ah oo loogu talo-galay Soomaaliya 2023, hase yeeshee kaliya 30 boqolkiiba qorshahaas ayaa la maal-geliyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here