Duqa Muqdisho oo sheegay in Gobolka Banaadir uu bixinayo lacagta ka dhiman Taakulada Turkiga

0
336

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka hadlay munaasabad lagu wareejinayo dhaqaalaha ay Soomaaliya uga qayb-qaadanayso taakuleynta dhul-gariirkii Turkiga oo maanta Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu bixinayo lacagta ka dhiman 5-tii Milyan ee Wajiga 1-aad ee taakulada Soomaaliya ay ku garab-istaagayso walaalaha Turkiga.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa sheegay in Soomaaliya ay saaran tahay mas’uuliyad aan saarnayn calaamka intiisa kale, maadaama ay u soo gurmadeen Soomaaliya xilli caalamka kale oo dhan uu ka jeestay.

“Walaalaha Turkiga waxa ay naga mudnaayeen waxaa soo koobtay walaashey Jawaahir Baarqab, dadkii halkaan ka hadlay oo dhanna waa sheegeen waxay naga mudan yihiin” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Guddoomiye Madaale ayaa intaas ku daray: “Wixii ay noo qabteen walaalaha Turkiga inaan la illaawin, waxaa keentay waxay na tareen maalin dadkeennu ay isku dul-daadsanaayeen oo carruurteennu ay hooyadood ku dul dhimanayeen gaajo darteed, cid gargaaraysana aysan jirin. Erdogan iyo Xaaskiisa inta diyaarad ay soo qaateen ayay halkaan yimaadeen, iyagoo nagu soo jeediyay indhaha caalamka oo naga sii jeediyay markii hore”.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhaqaalaha ay maanta wareejinayaan uusan ahayn midkii walaalaha Turkiga ah ka mudnaayeen, balse ay tilmaamayso tabarta ummadda Soomaaliyeed, balse ay wadayaan dadaalka ay walaalahood la garab taagan yihiin.

“Riyo lugaha kaa xagtaa… Kaaga roon Riti Madal ah” ayuu guddoomiyuhu u soo qaatay xikmad ahaan, isagoo sheegay in dhaqaalaha yar ee ay bixinayaan uu ka wanaagsan yahay dhaqaale badan oo aan soo socon.

Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha dalka, Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale oo maamulka gobolka Banaadir ka tirsan, kuwaasoo qiray in walaalaha Turkiga ay mudan yihiin in la garab-istaago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here