Laacibka Reer Senigal ee Sadio Mane oo ganaax la dul-dhigay

0
227

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee ka dhisan dalka Jarmalka ayaa xayiraad kusoo rogtay Sadio Mane, kaddib markii uu la dagaallamay Leroy Sane oo uu wajiga ka feedhay kaddib ciyaartii looga badiyay kooxdooda.

Bayern Munich ayaa xaqiijisay in Sadio Mane laga saaray liiska ciyaartoyda kooxdaas oo uu ka maqnaan doono illaa inta war dambe laga soo saarayo, waxa uuna seegi doonaa ciyaarta Hoffenheim ee horyaalka Bundesliga.

Sidoo kale Sadio Mane ayaa xayiraadda loogu dari doonaa ganaax lacageed, iyadoo qaybo ka mid ah mushaarkiisa ay goosan doonto Bayern Munich, inkastoo aan la shaacin tirada lacageed ee laga jari doono mushaarkiisa. Laacibka reer Sinigal ee Sadio Mane oo 31 jir ayaa Khamiistii maanta yimid garoonka tababarka Bayern Munich, isagoo raalli-geliyay cayaartoyda oo dhan – kaddibna waxa loo ogolaaday inuu qaato tababarka, hase yeeshee kooxda ayaa waqti dambe ku wargelisay ganaaxa lagu riday.

“Sadio Mane oo 31 jir ah, kama qayb noqon doono cayaartoyda FC Bayern ee kulanka aan garoonkeenna kula cayaari doono kooxda 1899 Hoffenheim Sabtida soo socda,” ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Bayer Munich.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa kaloo lagu yiri: “Sababtu waa in Mane uu u dhaqmay si aan habboonayn, kaddib cayaartii Champions League ee Bayer Munich ay la yeelatay Man City. Waxaa intaa dheer – Mane waxa lagu soo rogay ganaax lacageed oo mushaarkiisa laga jari doono.”

Ugu dambeyn, Sadio Mane ayaa waxa uu kooxda Bayer Munich ku biiray xagaagii lasoo dhaafay, waxa uun ka tagay Kooxda Liverpool oo uu sanado u cayaarayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here