Saraakiil loo tababaraayo sugidda amniga doorashooyinka dalka+SAWIRO

0
149

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Hijar) ayaa maanta tababar u furay saraakiil loo diyaarinayo sugidda amnka doorashooyin, si sare loogu qaado xirfadooda dhanka amniga ah.

Taliye Cabdi Xasan Maxamed (Hijar) ayaa sheegay in marka ay atababarka dhameestaan saraakiisha la geyn doono dhamaan goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo doorashooyinka dalka.

“Waxaan tababar uga furnay Akademiyaha General Kahiye Sarakiil qeyb ka ah qorshaha sugidda Amniga Doorashooyinka Qaranka” ayuu ku tiri taliyaha qoaraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Taliye Xijaar ayaa ka mahadaceliyay tababarka loo furay saraakiisha, isagoo xusay in waxbadan ay ka faaiideysan doonaan tababarka oo ka dhacay dugsiyaga tababarka Gen, Kaahiye.

Ugu dambeyn  dalka ayuu taliyaha urjeeyay inay ka dhacdo  doorashda amni iyo kala dambeyne ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here